Kim Jong-un oo ka qoomameyay dilka mas'uul u dhashay South Korea

Image

PYONGYANG, Kuuriyada Waqooyi – Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu waramay in uu raaligelin ka bixiyey toogashadda mas'uul u dhashay Kuuriyadda Koonfureed oo la waayey todobaadkii hore.

Xafiiska madaxweynaha South Korea, Moon Jae-in, ayaa war-saxaafadeed wuxuu ku shaaciyey in hogaamiye Kim Jong-un uu dhacdadaas ku tilmaamay "talaabo laga wanaagsanaa in lagu dhaqaaqo".

Mas'uulka la toogtay ayaa lagu waramay in uu shaqaale ka ahaa Wasaaradda Badweynta iyo Kaluunka isla markaana uu howlo kormeer ah ka waday xeebaha ku teedsan xuduudka labada waddan.

Xilli aysan soo bandhigin magaciisa, milatariga Kuuriyadda Koonfureed ayaa intaas ku daray in mas'uulkaas uu u muuqday mid isku diyaarinayey in uu u goosto Kuuriyadda Waqooyi balse la khaarijiyey.

Wasaaradda Gaashaandhiga South Korea ayaa daaha ka rogay in shaqsigaas ay ciidamadda Koonfuriyadda Waqooyi gubeen kadib markii ay dileen, iyaddoo falkaas ku sifeysay in uu ahaa "mid fool xun".

Sohdinta labadan dal ayaa kamid ah kuwa ugu ammaan sugida iyo ciidamo joogida badan, waxaana ugu wacan colaada aan wali xalka kama dambeysta ah laga gaarin ee dhextaala Seoul iyo Pyongyang.

Raaligelinta Kim Jong-un oo ah talaabo naadir ah ayaa kusoo hagaageysa xilli ay jiraan dedaalo caalami ah kuwaasoo daaha gedaashiisa uga socda sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen wadamadan deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM