Kitaabka Qur’aanka oo mar kale lagu gubay mid ka mid ah dalalka Yurub

Image
Edwin Wagensfeld

HAGUE, Netherland - Nin u dhaq-dhaqaaqa midig-fog ee dalka Netherland ayaa jeexjeexay kitaabka Quraanka Kariimka ah, kadib mudaharaad ka dhacay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ku taala magaalada Hague maalintii jimcaha, taas oo ka caraysiisay muslimiin badan oo dalkaass ku sugan.

Dowladda Netherland ayaa cambaareysay qabanqaabada banaanbaxan, balse waxay sheegtay inaysan awood sharci u lahayn inay ka hortagto.

Weriyeyaasha AFP ayaa tabinayay dhacdada uu Edwin Wagensfeld -oo ah hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Pegida ee garabka midig- ku jeexjeexay nuqul ka mid ah Quraanka Kariimka, isaga iyo laba qof oo kale.

Pegida, ama Wadaniyiinta Yurub waa dhaqdhaqaaq cunsuri ah oo ka bilowday magaalada Dresden ee Jarmalka sanadkii 2014, taasoo ka dhalatay qulqulka muhaajiriinta. Waxay ka digaysaa "Islaamaynta reer Galbeedka", waxayna ku baaqaysaa in Muslimiinta laga saaro Yurub.

Booliska Netherland ayaa xiray wadada ku soo dhacda safaarada Turkiga, halkaasi oo laga soo abaabulay banaanbax looga soo horjeedo dhacdadaan oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 50 qof, kuwaasi oo qaarkood dhagxaan ku tuuray Wagensfeld markii uu bilaabay inuu jeexjeexo bogag Qur’aanka Kariimka ah.

Ilaa 20 booliis ah oo qalabeysan ayaa soo dhexgalay, iyadoo qaar ay isku dayeen inay eryan Wagensfeld markii uu baxayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM