Koonfurta Sudan: Qaramada Midoobey oo xayiraad kusoo rogtey saraakiil

Image

July 2, 2015 (GO)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu cunaqabateenno ku soo rogay lix janaraal oo u dhalatay dalka South Sudan oo lagu eedeeyay in ay hurinayaan dagaalka dalkaasi ka socda.

Janaraaladan oo siman loogu qeybiyay labada dhinac ee ay u dhaxayso colaadda ayaa waxa ay wajahayaan xayiraado dhanka sodcaalka iyo dhaqaalahaba ah.

Cunaqabateenadan ayaa waxa ay imanayaan maalmo un kaddib markii ay Qaramada Midoobay soo saartay warbixin eedo loogu soo jeediyay ciidammada dowladda, kuwaas oo la sheegay in ay kufsadeen oo ay nolosha ku gubeen haween iyo gabdho yaryar oo ku noolaa gobolka saliidda qaniga ku ah ee Unity State, intii uu socday dagaal ka dhan ah ciidammada fallaagada.

Dadka cunaqabateenada lagu soo rogay ayaa waxaa ka mid ah abaanduulaha ciidammada ilaalada u ah madaxweyne Salva Kiir iyo laba janaraal oo kale oo hogaaminaya ciidammada ku sugan gobolka Unity ee ay ka dhacday qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu daran ee colaadda halkaasi ka taagan.

Sidoo kalana cunaqabateenada uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay saameynayaan saddex hogaamiye oo sarsare oo aad xulafo dhaw ula ah hogaamiyaha fallaagada Riek Machar.

Bayaan ay soo saartay safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Samantha Power, ayey ku sheegtay in dhammaan dhinacyada mas'uulka ka ah gaboodfallada ka dhacay South Sudan ay tahay in lala xisaabtamo.

Todobaadka soo socda South Sudan ayaa waxa ay u dabaaldegaysaa sanad guuradii afraad ee ka soo wareegatay markii ay qaadatay xorriyadda.

Ugu yaraan 2 milyan oo qof ayaa la barakiciyay tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday South Sudan bishii December ee 2013-kii.

Xigasho: BBC

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM