​Kooxaha ku dagaallamaya Yemen oo wada hadlaya

Image

Waxaa maanta si toos ah u furmay wada-xaajoodka la doonayo in lagu soo afjaro colaadda 13 jirtay ee ka taagan dalka Yemen.

Dhinacyada ayaa si kafool kafool ah u wada hadlaya, waxaana arrintaasi garwadeen ka ah Qarmada Midoobay oo shirkaasi ku tilmaamtay dhabadii lagu soo afjari lahaa qala-laasaha waddankaasi.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa wali aamisan inay taagan yihiin caqabado hareeyey wadahaladan oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Dalka yemen waxaa isku haya isbahaysi uu Sacuudiga hogaaminayo iyo kooxda Xuutiyiinta

Boqolaal kun oo qof ayaa dagaalladaasi ku barakacay, waxaa sidoo kale ku dhintay kunaan kale.

Xaaladda dalkaasi, ayaa weli ku jirta jaah wareer iyo dhibaato taabatay dadka shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM