Kooxda fulisay weerarkii Moscow oo la xaqiijiyay inay yihiin ajaanib

Image
Putin ayaa wacad ku maray in uu la xisaabtami doono dadkii ku lugta lahaa weerarka.

Moscow (GO) - Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ruushka ayaa xaqiijisay in dadka looga shakisan yahay inay fuliyeen weerarkii lagu qaaday hoolka bandhig faneedka magaalada Moscow ay yihiin dad ajnabi ah, iyadoo aan la sheegin dalalka ay u dhasheen.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wacad ku maray in uu la xisaabtami doono dhammaan dadkii ku lugta lahaa qorsheynta weerarka. Waxa uu intaa ku daray:

“Afartii nin ee rasaasta ku furay dadkana laayay waa la qabtay, waxayna ku sii jeedeen dalka Ukraine, Cid kasta oo ka dambaysay falkan argagixisnimo waan aqoonsan doonnaa, waana kula xisaabtamaynaa. "

Ururka "Daacish" ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka, tirada dadka ku dhintay ayaana gaartay 133 qof, halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM