Kooxda Xisbulah oo xaqiijisay dilka hogaamiyahooda Xasan Nasrallah

Image
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in howlgalkan loo adeegsaday gantaalka loogu yeero “Bunker-buster”.

DOOXA, Qadar - Hezbollah ayaa xaqiijisay dilka hogaamiyahooda Hassan Nasrallah oo lagu dilay weerar cirka ah oo lagu qaaday xaafad ay dadku ku badan yihiin oo ku taal Beirut fiidnimadii Jimcaha.

Bayaan ay soo saartay kooxda Lubnaan ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto iska hor imaadka ay Israel ku dooneyso inay ku taageerto Gaza iyo difaaca Lubnaan.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in howlgalkan loo adeegsaday gantaalka loogu yeero “Bunker-buster” kaasoo midkiiba uu miisaankiisu u dhexeeyo 2,000 iyo 4,000 rodol.

Waxay geli karaan 30 mitir oo dhul ah ama lix mitir oo shub ah waxayna sidoo kale abuuri karaan mawjado naxdin leh oo dumin kara dhismayaal kale.

Axdiga Geneva ayaa mamnuucaya in bambooyinkan loo isticmaalo meelaha dadku ku badan yahay, taas oo ay ugu wacan tahay khatarta ka dhalan karta khasaare ba'an iyo mid aan kala sooc lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM