Kooxda Xisbulah oo xaqiijisay dilka hogaamiyahooda Xasan Nasrallah

Image
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in howlgalkan loo adeegsaday gantaalka loogu yeero “Bunker-buster”.

DOOXA, Qadar - Hezbollah ayaa xaqiijisay dilka hogaamiyahooda Hassan Nasrallah oo lagu dilay weerar cirka ah oo lagu qaaday xaafad ay dadku ku badan yihiin oo ku taal Beirut fiidnimadii Jimcaha.

Bayaan ay soo saartay kooxda Lubnaan ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto iska hor imaadka ay Israel ku dooneyso inay ku taageerto Gaza iyo difaaca Lubnaan.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in howlgalkan loo adeegsaday gantaalka loogu yeero “Bunker-buster” kaasoo midkiiba uu miisaankiisu u dhexeeyo 2,000 iyo 4,000 rodol.

Waxay geli karaan 30 mitir oo dhul ah ama lix mitir oo shub ah waxayna sidoo kale abuuri karaan mawjado naxdin leh oo dumin kara dhismayaal kale.

Axdiga Geneva ayaa mamnuucaya in bambooyinkan loo isticmaalo meelaha dadku ku badan yahay, taas oo ay ugu wacan tahay khatarta ka dhalan karta khasaare ba'an iyo mid aan kala sooc lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM