Kooxda Xuutiyiinta oo u cagajugleysay maraakiibta Mareykanka

Image
Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa kordhiyay beegsiga xarumaha kooxdan ee gudaha Yemen.

SANCA, Yemen - Kooxda ka dagaalanta Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay beegsadeen markab xamuul milatari oo Mareykan ah oo ku sugnaa Gacanka Cadmeed, iyagoo adeegsaday gantaallo badda ah.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen waxay xaqiijinayaan in jawaab celin ka dhan ah weerarada Mareykanka iyo Britain ay tahay mid aan laga fursan doonin, waxaana la ballan qaadayaa in wax weerar cusub ah aan la iska indho tirin doonin,” ayay Xuutiyiinta ku sheegeen war-saxaafadeed.

In kasta oo ay jiraan weerarro milatari oo Mareykanku hoggaaminayo oo ka dhan ah fariisimaha Xuutiyiinta ee Yemen, kooxdan ayaa sii wadda weerarada ay ku hayaan maraakiibta maraya marin biyoodka Badda Cas.

Kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto dowladda Iiraan ayaa waxa ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan beegsiga maraakiibta xiriirka la leh Israel ilaa inta dagaalka ka socda Gaza uu dhammaanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM