Kooxda Xuutiyiinta oo u cagajugleysay maraakiibta Mareykanka

Image
Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa kordhiyay beegsiga xarumaha kooxdan ee gudaha Yemen.

SANCA, Yemen - Kooxda ka dagaalanta Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay beegsadeen markab xamuul milatari oo Mareykan ah oo ku sugnaa Gacanka Cadmeed, iyagoo adeegsaday gantaallo badda ah.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen waxay xaqiijinayaan in jawaab celin ka dhan ah weerarada Mareykanka iyo Britain ay tahay mid aan laga fursan doonin, waxaana la ballan qaadayaa in wax weerar cusub ah aan la iska indho tirin doonin,” ayay Xuutiyiinta ku sheegeen war-saxaafadeed.

In kasta oo ay jiraan weerarro milatari oo Mareykanku hoggaaminayo oo ka dhan ah fariisimaha Xuutiyiinta ee Yemen, kooxdan ayaa sii wadda weerarada ay ku hayaan maraakiibta maraya marin biyoodka Badda Cas.

Kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto dowladda Iiraan ayaa waxa ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan beegsiga maraakiibta xiriirka la leh Israel ilaa inta dagaalka ka socda Gaza uu dhammaanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM