Korontada oo ka go’day dhamaan gobolada dalka Tunisia

Image

TUNIS, Tunisia - Agaasimaha iskaashiga iyo isgaarsiinta ee shirkadda korontada dalka Tunisia Mounir Al-Ghabiri ayaa xaqiijiyay in korontadu ay gabi ahaanba ka go’day dalka.

Al-Ghabri ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku daray in ilaa hadda aan la garanayn sababaha.

Waxa uu tilmaamay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in qarax ka dhacay xarunta “Raadeska”, isagoo carabka ku dhuftay in kooxaha farsamada ay ku howlan yihiin soo celinta Korontada.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Tunisia ayaa lagu xaqiijiyay in xaaladda ammaanku ay tahay mid la isku halleyn karo, islamarkaana loogu baaqay laamaha ammaanku ay sii wadaan sugidda amniga guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM