Ku dhawaad 200 oo falastiini ah ayaa naftoodii ku waayay duqeyn ay fulisay Israa’iil

Image

QASSA - Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday maanta in 198 qof ay ku dhinteen 1,610 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israel ee ka geysanaysa marinka Qassa.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerar ba’an oo ka dhan ah Qassa, isagoo ku tilmaamay saacadaha soo socda kuwoo aad u adag, kaddib weerarka ay qaadeen Xamaas subaxnimadii maanta.

Waxa uu intaa ku daray: "Diyaarad dagaal iyo diyaarado kale ayaa saacadihii la soo dhaafay weeraray 17 xarumo ciidan oo ay leeyihiin Xamaas”

Ciidamada Israa’iil ayaa sdioo kale ku dhawaaqay in dagaal uu ka dhacay isgoyska "Erez" ee u dhexeeya Israa’iil & marinka Qassa.

Dhanka kale, warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay in diyaaradaha Israa’iil ay dhowr duullaan ku qaadeen bariga Rafah, ee koonfurta marinka Qassa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM