Ku dhowaad 30 kamid ah shaqaalaha UN-ka oo u dhintay Coronavirus

Image

NEW YORK, US – Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii waxay xaqiijisay in 28 kamid ah shaqaalaheeda ay u dhinteen musiibada safmarka Coronavirus.

Alessandra Vellucci, oo ah agaasimaha warfaafinta UN-ka, ayaa xusay in shaqsiyaadkaas ay kamid yihiin 1,140 qaadey xanuunka tan iyo 21-kii June.

Balse ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah gaar ahaan wadamadda ay u kala dhasheen iyo goobaha ay ku kala noolaayeen ee xanuunka uu ku haleelay.

Sidoo kale, ma uusan caddeynin hadii ay ku jiraan dad horey ula noolaa cuduro kale iyo da'da ay kala ahaayeen markii ay dhimanayeen.

Tan iyo markii caabuqa kasoo bilowday Wuhan, bartamaha Shiinaha, fayruska wuxuu dilay 474,600 oo u kala nool 188 wadamo iyo dowlad goboleedyo.

Illaa iyo haatan, waxaa la xaqiijiyey in uu ku dhacay 9.18 milyan oo ruux, iyaddoo ay kasoo bogsadeen dad kor-u-dhaafaya 4.6 milyan oo ruux.

Dunida ayaa la daalaadhaceysa sidii ay u xakameyn lahayd faafitaan horleh oo xanuunka sameeyo, iyaddoo lasoo saareyo habraac gaar ah duulimaadyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM