Ku dhowaad 500 askar Ameerikaan ah oo is-miidaamin lagu khaarijiyey

Image

WASHINGTON, US – Ku dhowaad 500 oo ciidamo Ameerikaan ah ayaa sanadkii 2019-kii naftooda ku waayey qaraxyo is-miidaamin ah, sidda ay maalintii Khamiistii shaaca ka dhigtay Wasaarada Gaashaandhiga dalka Mareykanka.

Warbixinta Sanadlaha ah ee Is-qarxinta ayaa muujineysa in 344 kamida ay ka tirsanaayeen guutada sidda joogtada ah u shaqeysa, 65 ay kamid ahaayeen keydka, halka 89 ay ka tirsanaayeen Ilaalada Qaranka.

Askarta kamid ahaa cutubyada si joogtada ah u shaqeeya ayaa 142 kamida waxay qeyb ka ahaayeen ciidanka dhulka, 83 oo ciidanka cirka ah, 72 ciidamada badda iyo 47 kale oo ka tirsanaa taliska kumaandooska.

Wadartaan oo ah 498 ayaa waxay aad ugu dhow-dahay tiraddii la diiwaan-geliyey sanadkii 2018-kii taasoo lagu waramay in ay ahayd 2018-kii.

Dr Karin Orvis, oo ah agaasimaha waaxda ka hortagga is-miidaaminta, ayaa wuxu hoosta ka xariiqay in caqabadahan aysan u dhutin doonin.

"Tirada shacabka is-qarxinaya way sii kordheysaa, hadii aan nahay bulshadda milatariga uma joojin doono caqabadda," ayuu tilmaamay.

Wuxuu hadalka intaas ku daray: "Waxaan dhaqan-gelineynaa siyaasada badqabka dadweynaha si aan uga hortagto is-qarxinta. Waxaan beegsaneynaa walaaca ugu weyn oo ah dhalinyarada iyo dad la diiwaan-geliyey.

Kooxaha argagixisada ah ayaa inta badan adeegsada xeelada is-qarxinta marka ay soo foodsaarto cadaadis ay ku fulin waayaan weerarada tooska iyo qaraxyadda baabuurta. Naftood haligeyaasha waxay isugu jiraan rag iyo dumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM