Kumannaan Soomaali ah oo sanadka soo xajiyey

Image

October 5, 2014 (GO)- Soomaali aad u tira badan oo ka tegey dhammaan gobollada dalka ayaa sanadka gaarey dalka Sucuudiga si ay waajibaadka xajka usoo gutaan.

Sida aan kasoo xiganay hay'adaha xajka u qaabilsan Sucuudiga waxaa sanadkan 2014 soo xajiyey 7,142 qof oo Soomaali ah, dadkaas oo badankoodu ka tegey Puntland, Somaliland iyo magaalada Muqdisho.

Dalka Jabuuti oo isna kamid ah wadamada ku yaalla geeska Afrika ee xujeyda badani ka tageen waxaa soo xajiyey 874 oo badankoodu ay magaalada caasimadda ah ee Jabuuti ka yimaadeen.

Dowladda Sucuudiga ayaa sanadkan iyo kii ka horreeyeyba dhintay 50% tirada xujeda ka imaanaya gudaha Sucuudiga iyo 20% tirada xujeda ka imaanaya daafaha caalamka, maadaama dib u habeyn lagu wado qaybo kamid ah xaramka.

Tirada ugu badan xujeyda Afrikaanka ah ee xilligan waajibaadka xajka soo gutey waxay ka tageen dalka Masar waxayna dhamaayeen 68,749 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM