​Kuuriyada Waqooyi oo hanjabtay

Image

Kuuriyada Waqooyi  ayaa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ugu hanjabtay inay ku qaadi doonto dagaal lagu hoobto islamarkaana isticmaali doonaan hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, kadib markii ay ku eedeeyeen inay wadaan qorshe dagaal.

Arrintan ayaa xukuumadda Pyongyang shaacisay kadib markii ay samaysay dhoolatus milatari oo ay ka qayb qaateen in kabadan 30, 000 oo ciidanka Kumaandoosta ah, oo ay sannad kasta qabtaan.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee Koonfurt Kuuriya ayaa uga digtay Pyongyang in ay qaado fal bur bur u horseeda gobolka.

“Haddii ay Kuuriyada Woqooyi iska dhego tirto digniinta aan wadno oo ay na daandaansato, ciidamadayada ayaa si bilaa naxariis ah oo adag ugu jawaabi doona,” Ayuu yiri Moon Sang-gyun oo ah Af-hayeen u hadlay wasaaradda Gaashaan dhigga.

Hadalkan kama duwana kuwii hore, oo dadka siyaasadda dalkaasi lasocda waxay sheegayaan inay tahay arrinta inta badan hadal hayn u ah xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.

Sannadkii hore ayay ahayd markii ay sheegeen inay ololin doonaan Washington, waxaase hanjabaada hada soo yeertay shaaca ka qaaday inta ay le egtahay xubka khatar ah ee ay haystaan.

Dhinaca Maraykanka, majirto waxa war ah oo kasoo baxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM