Kuuriyada Waqooyi oo ka digtay dagaal nukliyeer ah

Image

NEW YORK - Kuuriyada Waqooyi ayaa uga digtay Qaramada Midoobay in gacanka Kuuriya ay wajaheyso khatarta ah in uu ka qarxo dagaal nukliyeer ah, iyada oo ku sababaneysa falalka uu ku kacayo Maraykanka.

Wakiilka Kuuriyada Waqooyi ee Qaramada Midoobay, Kim Sung, ayaa ka sheegay golaha loo dhan in Mareykanka oo u horseedayo gacanka dagaal nukliyeer ah markii la eego falalkii gurracan oo sanadkii hore geystay.

Kim Sung waxa kale oo uu cambaareeyay tillaabooyinka uu qaaday madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yul, kaas oo ka shaqeeyay xoojinta iskaashiga Washington iyo Japan.

Wakiilka ayaa hadaladan ku dhawaaqay isla maalintii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka digay tartan cusub oo hubka Nukliyeerka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM