Kuuriyada Waqooyi oo ku tilmaantay “Madaxweyne” doqon dublamaasiyadeed

Image

NEW YORK, Maraykanka - Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaantay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yeon Suk-yul isniintii in uu yahay “Nin maskax xun” iyo “doqon dublamaasiyadeed” waxa ayna ku dhaleeceysay khudbad uu ka jeediyay Qaramada Midoobay oo uu uga digayay sii xoojinta xiriirka milatari ee ka dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka.

Qudbadii uu ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay asbuucii hore, Yeon waxa uu sheegay in Kuuriyada Koonfureed "aysan ka aamusi doonin" haddii Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka ay ku heshiiyaan wax helis galinaya amaanaka Seoul.

Booqashada hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu bishan ku tagay dalka Ruushka si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin ayaa dhalisay walaac caalami ah oo ku saabsan suurtogalnimada in Pyongyang ay hesho tignoolajiyada casriga ah ee Nukliyeerka ee Ruushka.

Arrintan ayaa dib u soo noolayn karta kaydkii hubka ee Ruushka taas oo inta badan ku waayay Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM