Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalkii ugu waynaa

Image
Janaayo ayaa lagu sheegay bisha ugu badan ee North Korea ay tijaabooyinka sameysay.

PYONGYANG, North Korea - Kuuriyada Waqooyi ayaa samaysay wax loo malaynayo inuu yahay gantaalkii ugu weynaa tan iyo sannadkii 2017-kii, sida ay ku warantay saxaafadda.

Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warantay in gantaalku uu ku dhacay 07:52 wakhtiga maxalliga ah Axaddii (22:52 GMT) meel ka baxsan xeebta bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa si yaabo kala duwan waxay dhamaantood u cambaareeyeen soo saarista gantaalka, oo ah tijaabadii toddobaad ee bishan.

Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday Kuuriyada Waqooyi inay tijaabiso hubka ballistic-ga iyo hubka Nukliyeerka, waxayna ku soo rogtay cunaqabatayn adag.

Balse dalkan dhaca bariga Aasiya ayaa si joogto ah uga horyimaada mamnuucista, waxaana hogaamiyaha Kim Jong-un uu wacad ku maray inuu xoojin doono difaaca dalkiisa.

Golaha Ammaanka Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in tijaabada Axaddii ay ahayd gantaal ballistic ah oo riddada dhexe ah (IRBM), kaas oo noqon doona gantaalkii ugu weynaa ee la tijaabiyo tan iyo bishii November 2017.

Saraakiisha Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku qiyaasay in gantaalku uu gaaray joog dhan 2,000km (1240 miles) wuxuuna u duulay 30 daqiiqo masaafo dhan 800km (500 miles) kuna dhacay badda Japan.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Kuuriyada Waqooyi in ay “iska ilaaliso falal noocaan kale ee xasillooni darro ah”, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray taliska ciidamada Mareykanka ee Indo-Pacific.

Bisha Jannaayo ayaa lagu sheegay tan ugu badan ee la diiwaan geliyo tijaabadda barnaamijka gantaallada Kuuriyada Waqooyi, iyadoo dhowr gantaal oo riddada gaaban lagu garaacay badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM