Kuuriyada Waqooyi oo xabsi u taxaabtey askari Ameerikaan ah

Image
Travis King ayaa lagu waramay in uu ka gudbay xuduudka aadka loo ilaaliyo isaga oo aan fasax heysan.

WASHINGTON, USA - Kuuriyada Waqooyi ayaa xirtay askari ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka soo gudbay xadka sida adag loo ilaaliyo ee Kuuriyada Koonfureed, isaga oo aan fasax heysan.

Ninkan ayaa socdaal abaabulan ku marayay aagga ay Qaramada Midoobay maamusho ee kala qaybinaya labada dal halkaas oo loo garan og-yahay goobta milatariga ka caagan.

Xiisadda ayaa timid xilli si gaar ah ay u kacsan tahay Kuuriyada Waqooyiga, oo kamid ah dalalka ugu go'doonsan adduunka. Maraykanku wuxuu u sheegaa muwaadiniintiisa inaysan tagin halkaas.

Pentagon-ka ayaa magaca askariga ku sheegtey Travis King. Bayaan uu soo saaray, afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa caddeeyay in Pte King uu ku jiray ciidanka tan iyo Janaayo 2021.

Ma cadda in ninkan uu u goostay Kuuriyada Waqooyi iyo in uu rajaynayay in uu soo laabto. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Jamhuuriyadda Dimiuqraadiga ee Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku warantay in Pte King ay u muuqato in uu wajahayay tallaabo anshaxeed kadib markii lagu xiray Kuuriyada Koonfureed laguna eedeeyay fal gacan qaad ah.

Aagga militariga ka caaggan ama The Demilitarized Zone (DMZ) ayaa waxay kala qeybisaa waddamadda labada Kuuriya waana mid ka mid ah meelaha sida aadka ah loo adkeeyey ee adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM