Kuuriyada Woqooyi oo Cuna-qabateyn Cusub la Saaray

Image

NEW YORK, USA- Golaha ammaanka ee Q.M., ayaa meel mariyay Arbacadii shalay cuna qabateyn adag oo cusub taas oo la saarayo Kuuriyada Waqooyi, kadib tijaabinteedii gantaaallada riddada dheer iyo Nukliyer.

Danjiraha Mareykanka ee Q.M. Samantha Power, ayaa golaha ammaanka ee Q.M. u sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay tahay dalka kaliya ee tijaabiyay hub Nukliyer ah qarnigan 21-aad.

Waxay ku eedeysay maamulkaasi inuu diiradda saarto hubkiisa Nukliyerka, iyo gantaalladeeda riddada dheer, halkii uu wax ka qaban lahaa oo ka fakari lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka dalkaasi ay qabaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa soo dhaweeyay tallaabada cusub ee cunaqabateynta Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweye Barack Obama, ayaa sheegay in bulshada caalamka iyagoo ku hadlaya hal cod ay fariiin u direen Pyongyang, waxana uu ugu yeerey maamulkaasi in uu joojiyo barnaamijyada halista ah oo ay waddo wanaagsan u dooraan dadkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM