Kuwait: Ku dhowaad 50 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhismo

Image
In ka badan 30 muwaadiniin Hindi ah ayaa lagu daweeyay isbitaallada kadib markii ay waxyeelo kasoo gaartey dhacdadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 49 qof ayaa Arbacadii ku dhintay dab subaxnimadii hore qabsaday dhismo ay ku sugnaayeen shaqaale oo ku yaalla Kuwait. Saraakiisha ayaa sheegaya in koronto ay sabab u tahay. Dabka ayaa ka kacay degmada Mangaf ee Kuwait, halkaasoo ay ku badan yihiin shaqaale ajnabi ah.

Qof ka badbaaday dabka, oo ah darawal u dhashay Masar, ayaa sheegay in dabku uu ka bilowday dabaqyada hoose ee dhismaha oo uu sare u kacay ilaa uu qiiq ka buuxsamo dhismaha. Booliska ayaa sheegay in dad badan oo deegaanka ah la soo badbaadiyay balse qaar badan ay u dhinteen qiiqa oo ay nuugeen.

In ka badan 30 muwaadiniin Hindi ah ayaa lagu daweeyay isbitaallada, sida uu sheegay safiirka Hindiya. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in la go’aaminayo dalalka ay u kala dhasheen dhibanayaasha kale.

Raiisel wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa yiri, "Dareenkeygu waxa uu la jiraa dhammaan kuwa lumiyay kuwa u dhow iyo kuwa qaaliga ah," qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X.

Kuwait waxay si aad ah ugu tiirsan tahay shaqaalaha ajnabiga ah ee ka shaqeeya dhowr warshadood, oo ay ku jiraan dhismaha.

Dalka waxa kale oo uu hoy u yahay kaydka saliida ee lixaad ee ugu wayn aduunka. Dab hore ayaa sanadkii 2022 ka kacay warshad saliid sifeeya, waxaana ku dhintay afar qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM