Kuwait oo yeelatay Amiir cusub kuna dhawaaqdey baroor-diiq 40 cahso ah

Image

KUWAIT CITY, Kuwait – Sheikh Nawaf Al Ahmed Al Sabah ayaa waxaa loo magacaabay amiirka cusub ee Boqortooyadda Carbeed ee Kuwait.

Sideeetan iyo saddex jirkan si ku meelgaar ah loogu wareejiyey qaar kamid ah awoodihii dastuuriga 18-kii July markii Amiirka dhintay loo qaadey Isbitaal ayaa jagada dhaxal-sugaha loo dhaariyey sanadkii 2006.

Sheekh Sabaax Al Axmed ayaa maanta ku geeriyooday Mareykanka, iyaddoo dowladda ay ku dhawaaqdey baroor-diiq 40 casho ah si lamid ah saddex maalmood oo ay xirnaan doonan xafiisyada xukuumada.

Afhayeenka baarlamaanka Kuwait, Marzouq Al Ghanim, ayaa tilmaamay in Amiirka cusub la dhaarin doono maalinta berri oo Arbaco ah.

Amiirka cusub oo ay walaalo yihiin Sheekh Sabaaxa dhintay ayaa horey u soo qabtay xilalka Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca.

Kadib faragelintii Ciraaq ee 1990-kii, Sheekh Nawaf waxaa uu la wareegay xilka Wasiirka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda, jagadaas oo uu ku fadhiyey illaa 1992-dii. Mudadii u dhaxeysay 1994 iyo 2003, wuxuu ku magacownaa taliye ku xigeenka ciidamadda gaarka ah ee Ammaanka Qaranka.

Doorkiisa xasiloonida iyo ammaanka Khaliijka waxaa lagu sheegay mid aad u sareysa isla markaana kaalin firfircoon uu ka cayaaray kulamadii Ururka Iskaashiga Khaliijka ee ujeedkoodu ahaa iska caabinta khataraha.

Waqti xaadirkan, wuxuu haystaa iskoor ama lama-dhaafaan gaar ah taasoo ah in uu yahay dhaxal-sugaha ugu da'da weyn guud ahaan caalamka dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM