Laba kamid ah ciidanka nabad-ilaalinta UN-ka oo la dilay

Image
Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa la sheegay in ay fuliyeen “rag hubaysan oo aan la aqoonsan”.

BOMAKO, Mali - Laba ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay afar kalena waa lagu dhaawacay weerar ay fuliyeen “rag hubaysan oo aan la aqoonsan” oo ka dhacay waddanka galbeedka Afrika ee Mali, sidda ay sheegtay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

War qoraal ah oo uu soo saaray Jimcihii, howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali, MINUSMA, ayaa lagu yiri: “Hal qof oo weerarka geystay waa la toogtey, hubkiisana waa lala wareegay. Ciidanka MINUSMA qeybta degdegga ayaa isla markiiba loo diray si ay u sugaan amniga goobta".

El-Ghassim Wane, oo ah madaxa MINUSMA, ayaa laga soo xigtay bayaanka isagoo sheegay in uu "aad uga naxay" falkan foosha xun, oo uu si kulul u cambaareeyay.

"In kasta oo jawiga hawl-gal ee adag uu jiro, MINUSMA wax dadaal ah ma hakran doonto si ay u fuliso waajibaadkeeda," ayuu raaciyay Wane, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka.

Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA) waxaa la aasaasay 2013-kii iyadoo loo eegayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2100 "si loo taageero geedi-socodka siyaasadeed loona fuliyo dhowr hawlood oo ammaanka la xiriira".

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM