Laba sarkaal hore oo loo xukumay inqlaabkii Jordan

Image

AMMAN, Jordan — Maxkamad amni oo ku taalla Jordan ayaa maanta laba sarkaal oo hore ku xukuntay min 15 sano oo xabsi ah, sababo la xiriir shirqool la tuhunsan yahay in lagu afgambin lahaa Boqor Cabdallaha Labaad, kaasi oo uu ku lug lahaa walaalkiisa.

Bassem Awadallah, oo haysta dhalashada Mareykanka, sidoo kalena kaaliye sare u ahaa boqor Cabdalla, iyo Sharif Hassanbin Zaid, oo ah xubin ka tirsan qoyska boqortooyada ayaa lagu helay eedeymo la xiriira qiyaameyn qaran iyo rabshad hurin.

Waxaa la tuhunsan yahay in ayaga iyo Amiir Hamzah, oo ah boqorka walaakiis ay raadiyeen kaalmada gacmo shisheeye. Labadaba waa ay beeniyeen eedeymahan, waxaana Alaa al-Khasawneh oo ah qareenka Sharif, uu sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunkunka.

Qoyska boqortooyada ayaa sheegay in arrinta Hamzah loo xaliyey hab qoys, oo illaa hadda aan la shaacin, mana jirin wax dacwado ah oo lagu soo oogay.

Qareenka Awadallah oo Mareykan ah ayaa sheegay in kalyantigiisa lagu jirdilay xabsiga, islamarkaana uu u baqayo noloshiisa.

Michael Sullivan oo ahaan jiray dacwado ooge federal oo Mareykan ah oo ay shaqaaleeyeen qoyska Awadallah ee Mareykanka degan ayaa AP u sheegay in maxkamadda ay “gebi ahaan aheyd mid aan dhex-dhexaad aheyn.”

Awadallah oo sidoo kale haysta dhalashada Jordan iyo Sacuudiga ayaa wasiir iyo madaxa maxkamadda boqortooyada ka ahaa Jordan. Waxa uu sidoo kale mar la-taliye u ahaa dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Qaabka maxkamadeynta oo albaabada u xirnaa ayaa lagu dhaliilay in uu ahaa mid aan daahfurneyn. Saraakiisha ayaa waxay ka dhawaajiyeen in dhageysiga dadweynaha meesha looga saarey sababo la xiriira "si loo ilaaliyo macluumaadka amniga qaranka".

AP, VOA + GO

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM