Labada dhinac ee ku dagaalamaya Suudaan oo wadahadaladii ugu horeeyay ku yeeshay Bahrain

Image
labada dhinac ayaa mabda’ ahaan ku heshiiyay ilaalinta midnimada dalka Suudaan iyo ciidankeeda.

Khartoum (GO) - Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha sare ee ciidamada Suudaan iyo xoogaga Taageerada degdegga ah RSF ay ku kulmeen saddex jeer bishii Janaayo daka Bahrain, kaas oo ka dhigan xiriirkii ugu horreeyay ee dhexmara labada dhinac ee dagaallamaya muddo sagaal bilood ah.

Ilo ka qaybgalay wadahadalka ayaa yiri, "Si ka duwan wada-hadalladii hore ee la xiriira dagaalka Suudaan, wakiillo saameyn leh oo ka kala socda labada quwadood iyo mas'uuliyiin ka socda Masar iyo Imaaraadka ayaa ka qaybgalay kulamadii Bahrain."

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mareykanka iyo Sacuudiga ay sidoo kale ka qeyb galeen wadahadalka aan la shaacin, kaasoo yimid ka dib isku dayo lagu doonayay in heshiis siyaasadeed lagu dhameeyo dagaalka soo jiitamay.

Dhinaca kale, ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ciidamada Suudaan uu u wakiishay Wadahadalka General Shams al-Din Kabbashi, ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, halka ciidamada taageerada degdega ah uu wakiil ka ahaa General Abdul Rahim Dagalo oo ay walaalo yihiin, Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti).

Mid ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka ayaa sheegay in labada dhinac ay mabda’ ahaan ku heshiiyeen ilaalinta midnimada dalka Suudaan iyo ciidankeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM