Labada Kuuriya oo is-dhaafsadey gantaalo ku dhacay aag halis ah

Image
Xukuumadda Pyongyang ayaa ka gadoodey dhoolatus wadajir ah uu Mareykanka qeyb ka yahay.

SEOL, South Korea - Dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa labadooduba markii ugu horeysay riday gantaalo ku dhacayay biyaha lagu muransan yahay oo midba midka kale uu sheegto.

Seoul ayaa aargoosatay Arbacadii saddex saacadood ka dib markii Pyongyang ay ridday gantaal ku dhacay meel wax ka yar 60km (37mi) magaalada Sokcho ee koonfurta.

Milateriga Koonfurta ayaa sheegay in tani ay tahay "wax aan la aqbali karin" oo lagu xad-gudbay dhulkooda waxaana ay rideen saddex gantaal oo cirka iyo dhulka ah.

Saraakiisha ayaa waxay sheegeen in gantaaladda ay ku dhaceen masaafo la mid ah khadka Northern Limit Line (NLL) oo ah xuduuda dhanka badda ee labadda dal u dhaxeysa.

Khadka xadaynta ayaa calaamad u ah barta-dhexe ee badda ee u dhaxaysa Waqooyiga iyo Kuuriyada Koonfureed, laakiin Kuuriyadda Waqooyi waligeed ma aqbalin soohdinta.

Talaadadii Kuuriyada Waqooyi ayaa ka digtay in Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ay la kulmi doonan "cawaaqibkii ugu xumaa ee taariikhda" haddii ay sii wadaan dhoolatuska milatari ee wadajirka ah, oo loo arko hanjabaad qarsoon oo ah isticmaalka hubka nukliyeerka.

Kuuriyadda Waqooyi ayaa la filayaa in ay dib u bilowdo tijaabada hubka Nukliyeerka dhawaan ka dib shan sano oo nasasho ah, iyadoo sirdoonka Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay sheegeen in Pyongyang ay dhameystirtay dhammaan diyaargarowgii loo baahnaa.

Gantaalada ay isugu jawaabeen labada dal ayaa ku soo beegmaysa xilli baroor-diiq qaran ay ka socoto Kuuriyada Koonfureed ka dib markii shacab isugu soo baxay Seoul ay is-buurteen taasoo dishay 150 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM