Labo dhaqtar oo cudurka Ebola ugu geeriyoodey dalka Sierra Leone

Image

December 6, 2014 (GO)- Xilli todobaadyadii u dambeeyey aad hoos ugu dhacday tirada dadka cudurka Ebola ugu geeriyoonaya galbeedka Afrika ayaa shalay oo Jimce ahayd waxaa dalka Sierra Leone ku  dhintey labo kamid ah dhaqaatiirta ku hawlan daweynta bukaanada uu cudurkaasi haleelay.

Dowladda Sierra Leone ayaa xaqiijisey geerida labada dhaqtar haseyeeshee faah faahin dheeri ah lagama bixin qaabka ay fayruskaas ku qaadeen iyo weliba xilliga uu ku dhacay.

Kiisaskan cusub ayaa toban ka dhigaya guud ahaan tirada dhaqaatiirta tan iyo bishii March ee sanadkan cudurka Ebola ugu geeriyoodey Sierra Leone.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa bishii hore ee November sheegay in heerka fidista cudurka Ebola hoos u dhacay isagoo ku baaqay in caalamku si wadajir ah isaga kaashado ka hortagga iyo weliba dabar goynta fayruska Ebola. 

Dhanka kale waxaa rajo wanaagsan laga muujiyey natiijada kasoo baxday tallaal loo diyaarinayo cudurka Ebola oo si tijaabo ah dalka Maraykanka loogu siiyey labaatan qof oo mutadawaciin ah.

Haddii tallaalkaasi noqdo mid taaba-gal ah waxaa marka ugu horeysa lagu duri doonaa tobannaan kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala wadamada galbeedka Afrika ee cudurkaasi faraha ba'an ku hayo. 

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 5,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM