Labo qof lagu dilay Toogasho ka dhacday Brussels

Image

Brussels - Sida ay Boolisku xaqiijiyeen labo qof ayaa geeriyooday, qof kalena waa uu dhaawacmay kadib markii uu nin hubeyssn rasaas ku furay gudaha caasimada Belgium ee Brussels.

Labada qof ee Geeriyooday ayaa lagu tilmaamay dad u dhashay wadanka Sweden kuwaasi oo taageero u ahaa xulka wadankaasi oo ciyaar saaxiibtinimo kula dheelayay Brussels ciyaar saaxiibtinimo.

Xeer ilaalinta dalkaasi ayaa ku dhawaaqday in ay furtay baaritaan Argagixiso isla markaana ay weerarka u diiwaan-gelisay mid Argagixisinimo.

Ninka weerarka qaaday ayaa la maqlay isaga oo Afcarabi ku hadlaya isla markaana sheegaya in ilaahay dartii uu weerarkaan u qaaday sida ay BBC-du ku warantay.

Laamaha Amniga ayaa sheegay in ninkaan ay weerarka ku riixday kooxda ISIS iyada oo muwaadiniinta loogu baaqay in ay guryahooda ku sugnaanadaan ilaa xaalada la dejiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM