Labo qof lagu dilay Toogasho ka dhacday Brussels

Image

Brussels - Sida ay Boolisku xaqiijiyeen labo qof ayaa geeriyooday, qof kalena waa uu dhaawacmay kadib markii uu nin hubeyssn rasaas ku furay gudaha caasimada Belgium ee Brussels.

Labada qof ee Geeriyooday ayaa lagu tilmaamay dad u dhashay wadanka Sweden kuwaasi oo taageero u ahaa xulka wadankaasi oo ciyaar saaxiibtinimo kula dheelayay Brussels ciyaar saaxiibtinimo.

Xeer ilaalinta dalkaasi ayaa ku dhawaaqday in ay furtay baaritaan Argagixiso isla markaana ay weerarka u diiwaan-gelisay mid Argagixisinimo.

Ninka weerarka qaaday ayaa la maqlay isaga oo Afcarabi ku hadlaya isla markaana sheegaya in ilaahay dartii uu weerarkaan u qaaday sida ay BBC-du ku warantay.

Laamaha Amniga ayaa sheegay in ninkaan ay weerarka ku riixday kooxda ISIS iyada oo muwaadiniinta loogu baaqay in ay guryahooda ku sugnaanadaan ilaa xaalada la dejiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM