Labo Tareen oo isku dhacay Dalka Jarmalka
Labo Tareen oo kuwa rikaabka qaada ah ayaa isku dhacay magaalada Bad Aibling oo dhacda Koonfurta Dowlada Goboleedka Bavaria ee dalka Jarmalka, shilkaas ayaa sababay ugu yaraan dhimashada 9 ruux iyo dhaawaca 108 kale sida ay xaqiijiyeen ciidamada Boolisku.
Shilkan ayaa dhacay saacada maxaliga ahi markay ahayd 06:48 am maalinimadii Talaatada goobtaas oo dhinaca Koonfureed ka xigta 60 KM magaalada Munich.
Afhayeen u hadlay Federaalka Rainer Scharf ayaa xaqiijiyey dhimashada 9 ruux, dhaawaca 108 kale iyo in 2 qof weli la baadi goobayo oo aan la hayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Raysal Wasaaraha Dowlada Goboleedka Bavaria Horst Seehofer ayaa yiri "Waa masiibo dhamaan Gobolka oo dhan ku dhacday".
Mar uu warbaahinta kula hadlayey halkii shilku ka dhaca Bad Aibling Wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka Alexander Dobrindt ayaa sheegay in tareenada ay ku soconayeen xawaare xad dhaaf ah .
Wasiirku wuxuu xaqiijiyey in 2 ka mid ah sanduuqyadii madoobaa ee ururinayey macluumaadka tareenada la helay laakiin weli aan la haynin kii sadexaad kuwaas oo gacan ka geysan doona sidii loo ogaan lahaa sababta kaliftay shilkan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Goboleedka Bavaria Joachim Herrmann ayaa uga mahadceliyey hawlwadeenada gargaarka deg dega ah dadaalkooda sidoo kalena wuxuu u mahadceliyey dalka Austria oo meel u dhow xuduudiisa shilkani ka dhacay gacantii ay ka geysteen hawlaha samotabixinta .
"Shilkani waa mid ka mid ah kuwii ugu waaweynaa mudooyinkan ee ka dhaca dalka Jarmalka gaar ahaan Gobolkayga" Ayuu ku sii daray hadalkiisa.
Herrmann wuxuu u sheegay warfidiyeenada in jawdalku dhigayey in labada tareen isku dhaafaan Kolbermoor wakhtiyo kala duwan laakiin aysan cadayn sababta ku kulmisay magaaladaas hal mar.
Goobta uu shilku ka dhacay oo ah meel aysan gaadiidku geli karin ayaa caqabad ku noqotay hawlihii samotoxibinta taas oo hada loo adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo doonyaha dheereeye oo iyagu ka gooshaya webiga Mangfall.
GAROWEONLINE + WAKAALADAHA