Lacagta ku baxdey hubka dunida kala iibsadey 2021 oo la shaaciyey

Image
Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm SIPRI ayaa warbixinta ku sheegay in Iibka hubka uu kordhay 1.9%.

WASHINGTON, USA - Iibka 100-ka shirkadood ee ugu sarreeya adduunka ee hubka soo saara waxa uu gaaray $592 bilyan sanadka 2021, sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxdey machad caalami ah.

Waa sannadkii toddobaad xiriir ah oo kor uu u kaco iibsiga hubka Maraykanku ayaa xagaagan wuxuu qaatay saamiga ugu badan. Celcelis ahaan, Ameerikaanku waxay gateen 50.5% hubka aduunka.

Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm SIPRI ayaa warbixinta ku sheegay in Iibka hubka iyo adeegyada milatariga uu kordhay 1.9% marka la barbardhigo sannadkii hore.

Tirada ugu badan ee shirkadaha ee shirkadaha soo saara hubka ayaa ku yaala Mareykanka. Isku-darka 40 shirkadood oo Ameerkaan ah ayaa iibiyey hub lagu qiimeeyya $299 bilyan sanadkii hore 2021-kii.

Warbixintu ayaa sheegtay in wax soo saarka hubka ee shirkadaha Ruushku uu kordhay kadib dalkaas uu weeraray Ukraine, in kasta oo saameeyeen gabaabsi ku yimid maadooyinka iyo cunaqabatayn.

Tan iyo 2018, shanta shirkadood ee ugu sarreeya qiimeyntan ayaa saldhigoodu yahay Mareykanka, halka mid Ingiriis ah iyo afar shirkadood oo Shiinees ah ay kamid yihiin 10-ka sare ugu horeeya.

Shirkadda soo gashay kaalinta koowaad waa Lockheed Martin oo wadarta iibkeedu gaaray $60.34 bilyan sannadkii hore, waxa ku xigay Raytheon Technologies ($41.85 bilyan) iyo Boeing ($33.4 bilyan).

Sikastaba ha ahaatee, 100-ka shirkadood ee ugu sarreeya qiimeyntan ayaa 27 kamid ah waxay xaruntoodu tahay gudaha qaaradda Yurub, marka la isku daro iibkooda hubka uu sii cagacagaynayaa $123 bilyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM