Laftagareen oo kala hadlay safiirka Ingiriiska wajiga 2-aad ee dagaalka ‘AS’

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu Hogaaminayey.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ku wehliyay madaxweyne Laftagareen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, Gargaarka iyo Howlaha guud.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Saamaynta Fatahaadka Biyaha, u diyaar garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka ‘AS’, Xoojinta Wadashaqaynta iyo hirgelinta mashaariicda loogu adeegayo Bulshada.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyey in socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ay tahay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin ugu qaadan lahayd u-gur-mashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM