Lamaane la qabtay iyagoo basaasaya guriga Erdogan

Image

ISTANBUL - Lamaane u dhashay Israel ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo sawiro ka qaaday hoyga uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ka degan yahay Istanbul horaantii bishan.

Lamaanahan oo magacyadooda lagu kala sheegay Mordi iyo Natali Oknin, ayaa lagu eedeeyay basaasnimo siyaasadeed iyo mid milatari inay ka wadeen Turkiga. Israel ayaa beenisay eedeynta.

Qoyska lamaanaha ayaa ku andacoonayay in ay fasax ku joogeen Istanbul. Kiiskooda wuxuu kusoo beegmayaa xili xiriirka Turkiga iyo Israel uu xumaaday kadib markii ay xoogeysatay dhibaatada Yahuuda ee Falastiiniyiinta.

Khamiistii shalay ayaa xabsiga laga sii daayey, iyagoo loo musaafuriyay Israel, waxaana lagu qaadey diyaarad khaas ah.

"Waad ku mahadsan tihiin dhammaan ummadda Israel. Waad ku mahadsan tihiin cid kasta oo gacan ka geysatay oo na taageertay oo na sii daysay," Natali Oknin ayaa ugu sheegtay suxufiyiinta Tel Aviv.

Saraakiisha Turkiga ayaan isla markiiba ka hadlin. War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennett iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yair Lapid ayaa uga mahadceliyey Erdogan iyo dowladdiisa “wadashaqeynta”.

"Kiiska basaaska xaqiiqdii waxuu u gudbi lahaa dhibaato aan waxba laga qaban karin oo dhaawaca xiriirka labada dal," Matan Kahana, oo ah wasiir ka tirsan golaha xukuumadda Israel, ayaa u sheegay warbaahinta.

“Aan rajayno in xiriirka Turkiga uu soo laaban doono, waxaan ku kalsoonahay, kadib maalmo xiriiro degdeg ah, la sameeyay in wadashaqeynta iyo iskaashiga si caadi ah kusoo laaban doonaan mustaqbalka,” ayay tiri Kahana.

Xariga lamaanahan ayaa yimid hal bil kadib markii warbaahinta Turkiga ay soo bandhigtay howlgal ay sameeyeen hay’adda sirdoonka qaranka ee MIT, taasi oo lagu soo bandhigay shabakad ka kooban 15 xubnood oo basaas u ah hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM