Lavrov oo lagu ‘qasbay’ inuu baajiyo booqashadiisii Serbia

Image
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

MOSCOW, Russia – Booqasho uu Serbia ku tagi lahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa la baajiyay kadib markii wadamada ku teedsan dalalka Balkanka ay hawadooda ka xireen diyaaradiisa, sidda ay sheegtay warbaahintu.

Waqooyiga Macedonia, Bulgaria iyo Montenegro dhamaantood waxay diideen inay u oggolaadaan diyaaradda Lavrov inay isticmaasho hawadooda, wargayska maalinlaha Seerbiya Vecernje Novosti ayaa werisay Axaddii.

Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa sheegtay in ilo dublamaasiyadeed oo sare uu xaqiijiyay warbixinta warbaahinta Serbia. "Diblamaasiyaddeenu wali ma aysan baarin isgaarsiinta," isha ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka. Lavrov ayaa lagu waday inuu maanta oo isniin ah gaaro caasimadda Serbia ee Belgrade.

Dublamaasigii ugu sarreeyay Moscow ayaa reer galbeedku cunaqabatayn ku soo rogeen dagaalka Ruushka ee Ukraine. Midowga Yurub ayaa sidoo kale hawadooda ka xiray diyaaradaha Ruushka sababo la xiriira duullaanka.

Serbia, oo xiriir dhaqameed la leh Ruushka, ayaa iska difaacday cadaadis ah in ay dhinac ka raacdo duulaanka Ruushka ee Ukraine, sidoo kale kuma aysan biirin cunaqabateynta reer galbeedka ee ka dhanka ah Moscow.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Serbia Aleksandar Vucic ayaa bishii hore isku raacay in Ruushka uu sii wado bixinta gaaska dabiiciga ah ee Serbia, halka dalal kale laga jaray kadib markii ay diideen inay bixiyaan lacagta gaaska Ruushka ee ruble.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM