Libya: safaaradaha Morocco iyo Koonfur Kuuriya oo la weeraray

Image

April 13, 2015 (GO)- Labo weerar ayaa shalay lala beegsadey safaaradaha dalalka Morocco iyo Koonfurta Kuuriya ku leeyihiin caasimadda Libya ee Tripoli.

Dabley hubaysan oo gaari yar la socdey ayaa rasaas ku furey bar-kantarool oo ku taalla bannaanka hore ee safaaradda dalka Koonfur Kuuriya.

Labo qof oo midkood rayid ahaa ayaa werarkaas ku dhintey qof kalena wuu ku dhaawacmey. Dableyda weerarka fulisey waxaa u suuragashay inay durbadiiba goobta ka baxsadaan.

Dhanka kale, bam ayaa ku qarxay irridka safaaradda dalka Morocco ku leeyahay Tiripoli, weerarkaas cidna wax kuma noqon marka laga reebo burbur soo gaarey dhowr gaari oo bannaanka hore ee safaarradad yaalley.

Labadan weerar mas'uuliyaddooda waxaa sheegatey koox xagjir ah oo xiriir dhow laleh ururka Daacish ee fadhigiisu yahay dalka Ciraaq.

Xaaladda ammaan ee dalka Libya ayaa ahayd mid qasan laga soo bilaabo sanadkii 2011, markaasoo kacdoon dhiig badani ku daatey xukunka looga tuurey madaxweynihii hore Muammar Gaddafi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM