​Liiska murashaxiinta Jabuti oo la shaaciyay

Image

Waxaa maanta lagu dhawaaqay lix xubnood oo la sheegay inay ka gudbeen shuruudaha doorashada madaxtinimada waddanka Jabuuti, waxaana ansixiyay guddiga dastuurka dalkaas.

Lixdan musharax ayaa kala ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Jaamac Cabdiraxmaan Jaamac, Xasan Idiris Axmed, Maxamed Daa’uud Shaxim, Maxamed Muuse Cali, Cumar Cilmi Kheyre.

Madaxweynaha Jabuti oo liiskan ku jira, ayaa markii Afraad xilkaasi u tartamaya, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay ururada mucaaradka dalkaasi oo ku dhaliilay inuu yahay kaligii talis aan ogolayn doorka siyaasiyiinta kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM