Lubnaan oo madaafic ku ridday Israa’iil

Image

QASSA - Ugu yaraan afar madfac laga soo tuuray koonfurta Lubnaan, ayaa ku dhacay bartilmaameedyo ku yaala gudaha dalka Israa’iil. madaaficdaas ayaa burburiyay xarun milatari ay Israa’iil ku leedahay meel u dhow beeraha Shebaa ee la haysto.

Saddex ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in gantaallada laga soo tuuray Lubnaan ay ku dhaceen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Israa’iil. Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaana ku dhawaaqay mas'uuliyadda weerarkaas.

Geesta kale, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay fuliyeen duqayn madaafiic ah oo lala beegsaday goobo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan weerar gaadmo ah oo ay Xamaas ku qaadday Israa’iil subaxnimadii Sabtida, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqollaal Israa’iiliyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM