Lubnaan oo mowqif adag ka qaadatay duqeymaha cirka ah ee Mareykanka ka wado Ciraaq & Suuriya

Image
Lubnaan ayaa ku baaqday ixtiraamka amniga iyo madax-bannaanida dhammaan waddamada.

Beirut (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Lubnaan ayaa muujisay sida ay uga walaacsan tahay duqeymaha uu Maraykanku ka gaysanayo Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in la ixtiraamo ammaanka &madax-bannaanida dhammaan dalalka.

Wasaaraddu waxay bayaankeeda ku sheegtay: “Waxaan muujineynaa walaaca aan ka qabno duqeynta Suuriya iyo Ciraaq loo geystay, iyo sida aan uga xunnahay tirada dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhalatay”.

Waxay sidoo kale ku adkaysatay mowqifkeedu ahaa in hal dhinac looga wada soo horjeesto weerarada ka dhanka waddan kasta oo Carbeed, waxaana horey u muujinay mowqifkaas markii lagu xad-gudbay madax-bannaanida iyo ammaanka Jordan”

Wasaaraddu waxay ku baaqday xakamaynta, ixtiraamka amniga, madax-bannaanida iyo badbaadada dhammaan waddamada, waxaana bayaanka lagu sheegay in Lubnaan ay horay uga degtay khatarta dagaalka iyo khilaafka sii kordhaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM