Lubnaan oo u dhow inay ka mid noqoto waddamada dhoofiya Shidaalka

Image
SAWIR HORE

BEIRUT, Lubnaan - Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee dalka Lubnaan, Cali Xaamiyah, ayaa ku dhawaaqay maanta oo Arbaca ah, in uu soo gaaray dalka markab shidaal iyo gaas ka baaraya dhul badeedka dhaca koonfurta dalkaasi.

Wasiirka Lubnaan ayaan wax faahfaahin ah ka soo saarin wakhtiga dhabta ah ee qodistaasi la bilaabayo.

Shirkadda Faransiiska ah ee "Total Energies" ayaa dhankeeda ku sheegtay - bayaan ay soo saartay - inay ku rajo weyn tahay in Lubnaan ay leedahay hanti Shidaal iyo Gaas oo isugu jira.

Shirkaddan Faransiiska ah ayaa intaa ku dartay in markabka shidaal ee "Transocean Barents" uu soo gaaray goobtii loogu talagalay, iyadoo ay sii dheer tahay imaanshaha diyaarad helikobter ah oo ku timid garoonka diyaaradaha ee Beirut.

Bishii Febraayo 2018, Lubnaan waxay heshiis la gashay shirkado shidaal oo ay hogaaminayaan Total Energies, Eni iyo Qatar Energy.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas Najib Mikati ayaa ku dhawaaqay, bishii Janaayo ee la soo dhaafay, in Qatar Energy ay iskaashi la gashay “Total Energies” iyo “Eni” si loo sahamiyo loogana soo saaro gaaska dhul badeedka Lubnaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM