Maalqabeen ku geeriyoodey shil gaari oo ka dhacay Hindiya

Image
Cyrus Mistry oo soo noqdey guddoomiyaha Tata Group ayaa hantidiisa waxaa lagu qiyaasay in ka badan $10 bilyan.

NEW DELHI, India - Ra'iisul wasaaraha Hindiya ayaa ku tilmaamay geerida maalqabeenkii hore ee Tata oo ah shirkadda ugu weyn dalkaas inay tahay "khasaare weyn" oo soo gaaray ganacsiga adduunka.

Cyrus Mistry ayaa Axada maanta ah ku dhintay shil gaari xilli uu u safrayay Mumbai. Hal qof oo kale ayaa ku dhintay labo kalena waa ay dhaawacmeen, sida uu sheegay booliska gobolka Maharastra ee galbeedka Hindiya.

Mr Mistry, oo 54 jir ahaa, ayaa xilka guddoomiyaha Tata laga xayuubiyay sanadkii 2016, ka dib markii lagu dhaliilay waxqabadkiisa. Waxaa lagu bedelay Ratan Tata - ninka uu Mr Mistry laftiisa bedelay afar sano ka hor.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Modi ugu yeeray Mr Mistry “Hogaamiye ganacsi oo rajo leh oo aaminsan awooda dhaqaale ee Hindiya”.

Shirkaddu waxay ka shaqeysaa in ka badan 100 waddan - oo ay bixiso badeecooyin ay ka mid yihiin milix, bir iyo software - waxayna heshay dakhli dhan $130 bilyan (£110 bilyan) sannadkii hore.

Mr Mistry iyo asxaabtiisa ayaa ku safrayay gaari Mercedes ah oo marayay degmada Palghar ee Maharashtra markii uu shilku dhacay galabnimadii Axada, sida ay booliisku sheegeen.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ku dhacay qeyb ka mid ah wadada, xilli uu marayey buundo dulmarta webiga, waxaana Mr Mistry uu markii dambe ku dhintay goobta uu shilku ka dhacay.

Shilkan ayaa wuxuu ku biirayaa tiro badan ee shilal kana dhacay Jidadka India, iyadoo xogta dowladda ay muujineyso in kuwani ay galaafteen nolosha 150,000 sanadka 2021 - celcelis ahaan 18 saacadood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM