Maamulka Biden oo liiska madow ka saarey Xuutiyiinta

Image

WASHINGTON, USA – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa Jimcihii sheegay in xuutiyiinta Yemen ay laga bilaabo Febraayo 16 ka saari doonan liiska argagixisadda oo uu ku daray maamulkii Donald Trump.

Isaga oo fulinaya siyaasada madaxweyne Joe Biden, wasiirka ayaa cod dheer wuxuu kaga digay in xubnaha kooxda lagu soo rogi karo cunaqabateyn dheeri ah.

Maamulka Trump ayaa falaagadan ay Iiraan taageero wuxuu liiska madow ku daray intii lagu guda jiray maalmihiisii ugu dambeeyay ee xafiiska, inkastoo digniino ay u direen dowladdo kale, kooxaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo sheegay in talaabadaas ay ka dhalaneyso dhibaato bini'aadanimo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu si deg deg ah ugu dhaqaaqay inuu ka laaban doono siyaasadihii maamulkii ka horeeyay ee Trump, isagoo ujeedkiisu yahay inuu fududeeyo dhibaatada bini’aadanimo ee ugu xun adduunka ee ka jira Yemen isla markaana uu xoojiyo diblomaasiyadda si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee waddankaas ay dadka badan ugu dhamaadeen ugana qaxeen.

"Go'aankani waa mid lagu aqoonsaday xaaladda bina-aadamnimo ee ba'an ee ka jirta Yemen," ayuu Blinken ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray.

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ayaa dagaal kula jira dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Yemen taas oo xulafada Sacuudiga taageerayaan tan iyo 2015-kii.

Maamulka Biden, dowladdo kale, Qaramada Midoobay iyo ururada gargaarka ayaa walaacooda wuxuu salka ku hayey in cunaqabateynta ay dhabaha u xaari karto hakad ku yimaada mucaawino ay helaan dadka u baadan ee dalka Yeman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM