Maamulka Biden oo liiska madow ka saarey Xuutiyiinta

Image

WASHINGTON, USA – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa Jimcihii sheegay in xuutiyiinta Yemen ay laga bilaabo Febraayo 16 ka saari doonan liiska argagixisadda oo uu ku daray maamulkii Donald Trump.

Isaga oo fulinaya siyaasada madaxweyne Joe Biden, wasiirka ayaa cod dheer wuxuu kaga digay in xubnaha kooxda lagu soo rogi karo cunaqabateyn dheeri ah.

Maamulka Trump ayaa falaagadan ay Iiraan taageero wuxuu liiska madow ku daray intii lagu guda jiray maalmihiisii ugu dambeeyay ee xafiiska, inkastoo digniino ay u direen dowladdo kale, kooxaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo sheegay in talaabadaas ay ka dhalaneyso dhibaato bini'aadanimo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu si deg deg ah ugu dhaqaaqay inuu ka laaban doono siyaasadihii maamulkii ka horeeyay ee Trump, isagoo ujeedkiisu yahay inuu fududeeyo dhibaatada bini’aadanimo ee ugu xun adduunka ee ka jira Yemen isla markaana uu xoojiyo diblomaasiyadda si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee waddankaas ay dadka badan ugu dhamaadeen ugana qaxeen.

"Go'aankani waa mid lagu aqoonsaday xaaladda bina-aadamnimo ee ba'an ee ka jirta Yemen," ayuu Blinken ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray.

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ayaa dagaal kula jira dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Yemen taas oo xulafada Sacuudiga taageerayaan tan iyo 2015-kii.

Maamulka Biden, dowladdo kale, Qaramada Midoobay iyo ururada gargaarka ayaa walaacooda wuxuu salka ku hayey in cunaqabateynta ay dhabaha u xaari karto hakad ku yimaada mucaawino ay helaan dadka u baadan ee dalka Yeman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM