Maandooriye laga sameeyay lafaha bini'aadamka oo ku faafay dalka Sierra Leone

Image
Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah.

Freetown (GO) - Dalka Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah oo ka dhalatay maandooriye laga sameeyay lafaha bini'aadamka.

Dalkaasi waxaa aad ugu soo badanaya isticmaalka maandooriyaha ‘Kush”, taasi oo ku qasabtay ciidamada booliska in ay ilaaliyaan xabaalaha ku yaala caasimadda Freetown si ay dhalinyarada uga hor istaagaan in ay qodaan.

"Kush" ayaa laga sameeyay isku dhafka xashiishadda, iyo maadooyinka fentanyl, tramadol, iyo formaldehyde, iyo lafaha bini'aadamka oo la jajabiyey.

Madaxweynaha Sierra Leone Maada Bio ayaa yiri: "Dalkeennu hadda waxa uu wajahayaa khatar ay ugu wacan tahay saameynta xun ee daroogada iyo isticmaalka maandooriyaha, gaar ahaan Kush."

Inkastoo aysan jirin tiro rasmi ah oo dhimasho ah oo la xiriirta “Kush”, haddana dhakhtar ku sugan Freetown ayaa sheegay in boqolaal dhallinyaro ah ay u dhinteen bilihii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM