Macron oo ka laabtay eedeyn oo u jeediyay Israa’iil

Image

PARIS (GO) - Madaxtooyada Israa'iil ayaa ku dhawaaqday Axaddii in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu u sheegay dhiggiisa Israa'iil in uusan ku eedeynin Israa'iil inay si ula kac ah u waxyeeleyso dadka rayidka ah ee ku sugan Qasa, isaga oo tixraacaya hadallo uu jeediyay mar uu wareysi siinayay (BBC).

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa soo dhaweeyay sida uu Macron uga laabtay hadaladiisii hore, ka dib bayaan ka soo baxay madaxtooyada Israa’iil.

Macron ayaa wareysi uu siiyay BBC-da fiidnimadii Jimcaha, ku booriyay Israa’iil inay joojiso duqeynta ay ku dilayso dadka rayidka ah ee Qasa, isagoo yiri:

“Maanta waxaa jira dad rayid ah oo ay duqeyn ku socoto, carruurtan, haweenkan, dadkan waayeelka ah waxay si maalinla ah ula kulmaan Duqeyn iyo Dil”

Madaxtooyada Israa’iil waxa ayaa dhankeeda tidhi, “Macron waxa uu caddeeyey in aanu wax niyad ah u haynin in uu Israa’iil ku eedeeyo in ay si ula kac ah u waxyeelaysay dad rayid ah”.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM