Madaxa Hay'adda Ammaanka Gudaha ee Israa'iil oo booqday Masar

Image

QASA (GO) - Madaxa Hay'adda Ammaanka Gudaha ee Israa'iil (Shin Bet) ayaa booqanaya Masar, sida laga soo xigtay Warbaahinta Israa’iil.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in Shin Bet Ronen Bar uu booqanayo Qaahira si uu ula kulmo madaxda sare ee Masar, iyaga oo ka wada hadli doona heshiis la filayo in lagu sii daayo maxaabiista Xamaas ay ku haystaan ​​Marinka Qasa.

Wadahadallada lagu sii deynayo maxaabiista ayaa wali sii socda iyada oo aan la gaarin horumar la taaban karo, sida uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden xaqiijiyay isaga oo intaas ku daray in doodo maalinle ah ay ka dhacayaan arrintan.

Dhinaca kale, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay faafin doonaan macluumaadka heshiis kasta oo lagu sii daayo maxaabiista, isaga oo ku baaqay in xogta laga qaato ilaha dowladda oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM