Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka oo ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo ka dhacda Qasa

Image
Dagaalka ka socda Marinka Qasa ayaa galay maalintiisii ​​127-aad.

Qasa (GO) - Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ku baaqay in xabbad joojin degdeg ah oo u dhaxaysa Israel iyo Falastiiniyiinta laga dhaqan geliyo marinka Qasa.

Adhanom Ghebreyesus ayaa qoraal kooban oo soo dhigay baraha Bulshada in baahi loo qabo in gargaar la gaarsiiiyo dhamaan Shacabka ku dhaqan Qasa.

Dagaalka ka socda Marinka Qasa ayaa galay maalintiisii ​​127-aad, iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan deegaannada kala duwan ee Marinka Gaza.

Waxaa sidoo kale sii kordhaya suurtagalnimada in ciidamada Israa’iil ay howlgal dhulka ah ka fuliyaan magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Qasa. oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof oo barakacayaal ah., aas oo ka dhalan karto masiibo bini'aadantinimo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM