Madaxda Masar, Jordan iyo France oo digniin adag u diray Yahuuda

Image
Fariintan ayaa ku saabsan weerarka ay Israa'iil qorsheyneyso in ay ka fuliso magaalada Rafah.

DOOXA, Qadar - Hogaamiyayaasha Faransiiska, Masar iyo Urdun ayaa uga digay Israa’iil in weerarka Rafah uu yeelan doono “cawaaqib halis ah” waxayna ku booriyeen xabbad-joojin degdeg ah oo la sii daayo maxaabiista Xamaas.

"Weerarkan oo kale wuxuu keeni doonaa oo keliya dhimasho iyo silic badan, wuxuu sare u qaadi doonaa khatarta iyo cawaaqibka barakaca ballaaran ee dadka Gaza, waxayna khatar gelinaysaa fiditaanka gobolka,” Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi iyo Boqorka Urdun Cabdallaha II ayaa sidaasku qoray qoraal wadajir ah oo lagu daabacay dhowr wargeys.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in la qabtay taariikh ay ciidamadooda u diri lahaayeen magaalada Rafah ee koonfurta Qaza halkaas oo ay gabaad ku yihiin 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah. "Waxay dhici doontaa - waxaa jirta taariikh," Netanyahu ayaa yiri, isaga oo aan cayimin waqtiga.

Qoraalkooda, hogaamiyayaasha Faransiiska, Masar iyo Urdun waxay ku baaqeen "kordhin weyn" oo ah gargaarka loo oggolaaday Gaza. "Dagaalka Gaza iyo dhibaatada bini'aadantinimo ee ba'an ee ay geysanayso waa in hadda la soo afjaraa."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM