Madaxii dhaqaalaha ururka Daacish oo gacanta lagu dhigay

Image
Sami Jasim ayaa lagu waramay in uu ahaa ku xigeenka Abu Bakr al-Baghdadi, amiirka la khaarijiyey ee ISIL.

BAQDAAD, Ciraaq - Ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa xiray xubin sare oo ka tirsan kooxda hubaysan ee ISIL, sidda bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka uu sheegay ra'iisul wasaare Mustafa Al-Kadhimi.

Al-Kadhimi ayaa qoray in Sami Jasim - oo mas'uul ka ahaa dhaqaalaha kooxda hubaysan iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha la dilay Abu Bakr al-Baghdadi - lagu qabtey waddanka dibaddiisa.

Lama shaacin magaca dalka lagu xiray. Balse, Jasim ayaa loosoo dhaafiyey Ciraaq maalmo ka hor, sida ay qortay wakaaladda AP oo xiganaysa saraakiil ka tirsan sirdoonka Ciraaq oo magacooda qariyay.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horay abaalmarin u balanqaadey ciddii keenta xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha ISIL oo uu ku jiro Jasim.

Sannadkii 2015 -kii, Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa shaaca ka dhigtey in Jasim uu taageero dhaqaale ama adeegyo kale siiyo maleyshiyadda sheegata Dowladda Islaamka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay intaas ku dartey inuu kormeero ka yahay dhaqaalaha ISIL si gaar ah saliidda iyo gaaska, qamadiga, iyo hawlaha kheyraadka macdanta.

Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday inay guul militari ka gaartay ISIL bishii December 2017 - saddex sano kadib markii kooxda hubaysan ay qabsadeen dhul ballaaran oo waqooyiga Ciraaq ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM