Madaxii sirdoonka Israa’iil Aharon Haliva oo xilka iska casilay

Image
Is-casilaadda sarkaalka sare ayaa timid ka dib guul-darradii 7-dii Oktoobar,

Quds (GO) - Madaxii sirdoonka Israa’iil Aharon Haliva ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilayo xilkaasi. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah.

Is-casilaadda sarkaalka sare ayaa timid ka dib guul-darradii 7-dii Oktoobar, iyada oo la tixraacayo weerarka dhaqdhaqaaqa Xamaas ku qaaday deegaannada ku hareeraysan Qasa.

Weeraradaasi ayaa lagu dilay 1,200 oo qof, laguna qabtay 240 maxbuus ah.

Wararku waxa kale oo ay intaa ku darayaan in Taliyaha is-casilay ee Hay’adda Sirdoonka Milliteriga uu istiqaaladiisa u gudbiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Haliva waxa uu hore u qirtay mas'uuliyadda ka saaran inuu ku guul daraystay inuu bixiyo digniin horudhac ah ka hor inta uusan dhicin weerarka 7dii Oktoobar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM