Madaxwayne maxaabiis ku badashay rag adeer u ah xaaskiisa

Image
Is-weydaarsiga waxaa ku jiray shan sarkaal oo Mareykan ah oo madax ka ah shirkad ka shaqeysa shidaalka.

WASHINGTON, United States - Venezuela ayaa sii deysay 7-qof oo u dhashay dalka Maraykanka oo u xirnaa, si loo sii daayo laba qof oo qaraabo la ah madaxweynaha Venezuela ninka lagu magacaabo Nicolas Maduro, sidda ay Sabtidii xaqiijiyeen labada dal.

Isweydaarsiga waxaa ku jiray shan sarkaal oo Mareykan ah oo madax ka ah saliidda, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Ameerikaanka ayaa lagu bedelay laba wiil oo uu adeer u ah xaaska Maduro, kuwaas oo 18 sano oo xabsi ah ku joogay dalka Maraykanka, iyaga oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogo, sida ay saraakiishu sheegeen.

Venezuela waxay sheegtay in laba nin "si xaq darro ah" loogu haystay Mareykanka la sii daayay. Ma aysan bixin tafaasiil ku saabsan sababaha ay ugu jiraan xabsiyada Mareykanka.

Bayaan kooban oo kasoo baxay dowlada Venezuela ayaa wuxuu intaa ku daray in koox muwaadiniin Maraykan ah loo sii daayay "sababo bini'aadantinimo".

Isweydaarsiga waxaa ka mid ahaa madaxdii shirkadda Citgo ee laga leeyahay dalka Venezuela oo fadhigeedu yahay Mareykanka, marka laga soo tago halyeeyga badda ee Mareykanka Matthew Heath iyo muwaadin kale oo Mareykan ah oo lagu magacaabo Osman Khan, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Madaxda sare ee shidaalka – Tomeu Vadell, Jose Luis Zambrano, Alirio Zambrano, Jorge Toledo iyo Jose Pereira – ayaa xabsiga la dhigay shan sano ka hor, ka dib markii looga yeeray shir ka dhacay magaalada Caracas waxaana kadib lala xiriiriyey falal argagixisanimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM