Madaxwayne xilka baneeyay iyada oo aysan jirin cid badalaysa

Image
Hogaamiyahan 89-sano jirka ah ayaa banaanka madaxtooyadda kula hadlay taageereyaashiisa.

BAYRUUT, Lubnaan - Madaxweynaha Lubnaan, Michel Aoun, ayaa banneeyay aqalka madaxtooyada, iyadoo aanay jirin cid beddeleysa, iyadoo waddanka kala qaybsan yahay uuna la daalaa dhacayo sidii uu uga soo kaban lahaa dhibaato dhaqaale oo soo jirtay muddo sannado ah.

Isagoo taageerayaashiisa kula hadlayay bannaanka hore ee madaxtooyada Baabda ee Beirut Axaddii, 89-jirkan xilka la wareegay 2016 ayaa sheegay in waddanka Bariga Dhexe uu gelayo "cutub cusub oo u baahan dadaal badan".

"Dadaalladaas la'aantood, ma joojin karno dhibaatada na haysata. Dalkeena dib uma isugu soo taagi karo cagihiisa. Kama badbaadin karno Lubnaan godkan gunta dheer," ayuu ku yidhi taageerayaashiisa, isaga oo ka tagay maalin ka hor markii uu xilkiisa dhammaanayo.

Baarlamaanka Lubnaan ayaa ilaa hadda awoodi waayay in uu ku heshiiyo cidda la wareegi doonta xilka – kaas oo awood u leh in uu saxiixo hindise sharciyeedyo, magacaabista ra’iisul wasaare cusub iyo dhismo dowladeed.

Lubnaan waxaa maamula gole wasiiro oo ku meel gaar ah iyadoo ra'iisul wasaaraha la magacaabay Najib Mikati uu isku dayayay muddo lix bilood ah inuu soo dhiso xukuumad.

In ka badan 220 qof ayaa ku dhintay ilaa 6,500 oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxii 2020 ka dhacay dekadda magaalada caasimadda ah. Ilaa 300,000 oo guri ayaa burburay.

Burburka maaliyadeed ee 2019 ayaa in ka badan boqolkiiba 80 dadka ku riixay faqri waxayna taas kicisay mudaaharaadyadii dawladda ka soo horjeeda ee ugu baahsanaa taariikhda dhow ee Lubnaan. Shaqo ka tagida madaxweynaha ayaa noqoneysa firaaq dastuuri ah oo cawaaqib leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM