Madaxweynihii Algeria oo is-casilay kadib dibaxbaxyo ka dhacay dalkiisa

Image

ALGIERS, Algeria – Cabdicasiis Bouteflika ayaa iska casilay xilka madaxwaynaha Algeria kadib todobaadyo mudaaharaadyo waawayn, sida uu shaaciyay Tv-ga dowladda.

Bouteflika, oo xukunka haya 20-sano, ayaa horey uga tanaasulay in uu u tartamo markii 5aad xilka madaxtinimo taasoo dib loo dhigay illa aiyo 28-ka April.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii taliyaha ciidamada dalkaasi uu ku dhawaaqay in 82-sano jirkaan uusan shaqada sii wai karin maadaama uu gaboobay.

Lix sano ah la dhibaatoonayay dhabar xanuun ayaa keentay in uu ku socdo kursiga dadka lixaadkooda aan dhameen iyo fagaaro kasoo muuqashadiisa oo yaraatay.

Kadib is-casilaada Mr Bouteflika magaalada caasimad u ah Algeria waxaa durba ka bilowday dibad-baxyo waawayn oo loogu dabaaldegayo arrinkaan.

Tani ayaa la sheegay in ay guul wayn u tahay mucaaradka oo haatan helaya fursad ah ay baratanka qayb kaga noqondaan si ay labinta u helaan, inkastoo ay loolan la kulmayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM