Madaxweynaha Brazil oo Israa'iil ku eedeeyay inay "xasuuq" ka geysatay Gaza

Image
Madaxweynaha ayaa xasuuqan la mid dhigay xasuuqii ay taliskii Nazi-ga u gaysteen Yahuuda.

Qasa (GO) - Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay “xasuuq” ku hayso dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza, isaga oo la mid dhigay xasuuqii ay taliskii Nazi-ga u gaysteen Yahuuda dagaalkii labaad ee adduunka.

"Waxa ka socda marinka Gaza ma ahan dagaal, waa xasuuq," ayuu Lula u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qaybgalay shir madaxeedka Midowga Afrika.

Waxa uu intaa ku daray, "Waxa ka socda marinka Gaza ee Falastiiniyiinta wax hadda ka hor la arkay ma ahan, run ahaantii, waxa kaliya oo u dhigma waa xasuuqii oo Hitlar kula kacay Yahuuda”.

Khudbad uu ka jeediyay Jaamacadda Carabta todobaadkii hore, da Silva waxa uu tilmaamay in aanay nabadi jiri doonin haddii aan la dhisin dawlad Falastiini ah, wuxuuna ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah in laga gaaro Gaza.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Katz ayaa sheegay in uu u yeeri doono safiirka Brazil si uu ugu canaanto hadalladii madaxweynaha Brazil ka soo yeeray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM