Madaxweynaha Brazil oo Israa'iil ku eedeeyay inay "xasuuq" ka geysatay Gaza

Image
Madaxweynaha ayaa xasuuqan la mid dhigay xasuuqii ay taliskii Nazi-ga u gaysteen Yahuuda.

Qasa (GO) - Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay “xasuuq” ku hayso dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza, isaga oo la mid dhigay xasuuqii ay taliskii Nazi-ga u gaysteen Yahuuda dagaalkii labaad ee adduunka.

"Waxa ka socda marinka Gaza ma ahan dagaal, waa xasuuq," ayuu Lula u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qaybgalay shir madaxeedka Midowga Afrika.

Waxa uu intaa ku daray, "Waxa ka socda marinka Gaza ee Falastiiniyiinta wax hadda ka hor la arkay ma ahan, run ahaantii, waxa kaliya oo u dhigma waa xasuuqii oo Hitlar kula kacay Yahuuda”.

Khudbad uu ka jeediyay Jaamacadda Carabta todobaadkii hore, da Silva waxa uu tilmaamay in aanay nabadi jiri doonin haddii aan la dhisin dawlad Falastiini ah, wuxuuna ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah in laga gaaro Gaza.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Katz ayaa sheegay in uu u yeeri doono safiirka Brazil si uu ugu canaanto hadalladii madaxweynaha Brazil ka soo yeeray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM