Madaxweynaha Brazil oo shaaciyey in laga helay safmarka Covid-19

Image

BRASILIA, Brazil – Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa ku dhawaaqay in laga helay safmarka Coronavirus, sidda ay ku warantay The Guardian, oo xustay in uu arrintaas ka shaaciyey telefishinadda waliba si toos ah.

"Waxaan soo laabtay anigoo leyga helay," ayuu Bolsonaro u sheegay koox wariyeyaal oo loo yeeray waqtiga qadada Talaadada maanta ah.

Bolsonaro, oo 65-sano jir ah, ayaa kamid ah hogaamiyeyaasha si ku cel-celis ah u dafiray halista musiibada Covid-19 iyo kala fogaanshiyaha.

Brazil waa waddanka labaad ee dadka ugu badan uu ku dhacay fayruska faafa, waxaana ka horeeya Mareykanka oo koowaad ah isla markaana diiwaan-geliyey 65,000 dhimasho ah iyo 1.6 milyan oo xaalado ah.

Bishii Maaj ayay ahayd markii Brazil ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa, waxaana waqtigaas uu Jair Bolsonaro hoos u dhigay khatartiisa.

Tan iyo waqtigaas, wuxuu si joogta ah uga qeybgalaa munaasabadaha dadweynaha iyo isu soo baxyadda la xiriira siyaasadda, badanaa af-saabka ama maasakarada wuxuu u xirtaa si qaldan ama maba qaataba.

Shaacinta in Jair Bolsonaro uu haleelay xanuunka ayaa kusoo hagaageysa saddex maalmood kadib markii uu hoygiisa kula qadeeyay danjiraha Mareykanka u jooga Brazil, Todd Chapman, kaas oo aan la hubin hadii uu soo ritay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM